Thursday, August 18, 2016

Dadaalkii Maryan Iyo Doodii Soomaalida

Maryan Muse: waa gabar u istaagtay ineey buuxiso boos dad badan oo inaga inaga mid ah ay dayaceen, waxa ay qaadatay Go'aan geesinimo oo ay ku guul dareeysteen iney qaataan Soomaali badan oo ku mashquushan korinta ilmahooda iyo danahooga qaaska ah.
Maryan waxa ay qaadatay tababaro aan cidna ka saacidin hadii ay jiraan cid ka saacidayna aaneey buurneyn, waxa ay siisay Qaranka waqtigeeda qeyb muhiim ah oo kamid ah, iyadoo rajeyneyso ineey u istaagto sumcadda Dalkeeda.


Maryan waxa ay aaday Tartanka ciyaaraha Olomkida ee ka socda Rio2016, Brazil, iyadoo aan heeysan wax kaalmo Agab iyo Mooral midna, sidaas oo ay tahay waxa ay aheyd qof huwan Calan umadda Soomaaliyeed oo farxad noogu filneyd wadan dagaallo kasoo kabanaya oo calankiisu ka babanayo wadan ay ka socdaan ciyaaro caalami ah oo dunidoo idil wakiilo usoo dirsatay.
Ciyaartooyda laga soo diray dowladaha intooda badan guulo lama wada hoyan, marka laga reebo kuwo yar oo watay dad tayo iyo mooral fiican isku darsaday, sidaas oo ay tahay wali laguma arkin Baraha bulshada dadyoow wakiilkoodii ciyaaraha ku eedeynaya.
Ujeedka aan u socdo waxa weeye Maryan maxey inaga mudneyd?. Halkii aan dhiirogelin kasiin laheyn baa baraha bulshada isla qaatay dacaayado iyo moraal dil lagu sameynayo. Ugu danbeyn waxaan ku hordhigayaa Akhristoow, Dadaalkii Maryan mise Doodii Soomaalida tee doqonimo ah?.